Annonsørinnhold

Annonsørinnhold

Annonsørinnhold

– Ma jiro qof raba in uu hooyadii ama aabahii qaadsiiyo cudur

Si kale u wada jooga:



Vær sammen på andre måter: – Det er ingen som vil smitte sin mor eller far

Qasab maaha in aad cidlootid inkastoo aan la isu arki karin sidii hore. Bannaanka ayaad dadka waqti kula qaadan kartaa isla markaana niyaddu kuugu degi kartaa.

–Wax kasta meesha ayey ka baxeen

Gudaha masaajid faaruq ah ayuu Djamel Selhi (55) na tusayaa. Waa jimce, taas oo macnaheedu yahay in caadi ahaan dad badan halkan u iman lahaayeen salaadda jimcaha.

Selhi waa isuduwaha golaha bulshooyinka diimaha iyo falsafooyinka (STL), iyo xubin ka mid ah guddida masaajidka Rabita, oo ku sheegay in uu yahay gurigiisa labaad.

Laga soo bilaabo Nofember masaajidku wuu xidhnaa kaddib markii markale la xidhay, si looga qaybqaato dedaalka wadajirka ah ee socda.

– Waa dareen argagax leh. Wax kasta oo aannu caadi ahaan haysanay meesha ayey ka baxeen. Masaajidku waa goob ay ku kulmaan dad da’ kasta jira, oo u yimaada cibaado iyo in ay arkaan dad kale. Dad badan wuxu u yahay gole ay kaga qaybgeli karaan bulshada. Dabcan waa wax si weyn loo tebayo.

Su'aalo? Wac 815 55 015, taabo #9+4 oo ah soomaali


Foto: Arild Danielsen / Schibsted Partnerstudio

– Laakiin, si wadajir ayeynu kaga bixi doonnaa xaaladdan. Dhammeenteen hal doon baynu saaran nahay. Haddii ay degto waxay la deggaysaa adiga iyo aniga, deriska, saaxiibbada shaqada iyo dadka aynu jecel nahay.

Djamel waxa uu ku mashquulsan yahay in loo baahan yahay adkaysi, oo weli la iska dhaafo la kulanka dadka, inkastoo ay tahay wax adag.

– Waan fahmayaa in ay adkaan karto in la diido casuumadaha. Laakiin waxay ila tahay in loo baahan yahay in la is weydiiyo muhiimadda ay leedahay in sidii hore oo kale dad loola kulmo waqtigan hadda lagu jiro. In la si weydiyo, maxaa dhici kara haddii aan hadda cid la kulmo. Ma jiro qof raba in uu cudur qaadsiiyo hooyadii ama aabihii.

Saalada ka sokow, waxa masaajiddadu yihiin goob ay dad badan kula kulmaan ehelka iyo axaabta.

Interior design, Hall, Flooring, Floor

Maqaallo taxane ah oo ka soo baxay Agaasinka Caafimaadka, FHI iyo IMDI waxaad kula kulmi doontaa shakhsiyaad kala duwan oo ka sheekaynaya sida safmarku u saameeyey noloshooda. Dhammaan maqaalladu waxay ku soo baxayaan lix luuqadood oo kala duwan.


- Waa qaab wacan oo dadku isku arko kari.

Inkastoo la xidhay goobo badan oo lagu kulmo, waxa jira meelo markasta furan. Meel wax yar u jirta maaajidka oo safar gaaban oo baabuur ah lagu tegi karo ayuu Djamel xidhay biraha kabaha, oo diyaarsaday boorsada. Qorraxda Maarso hoosteeda ayuu salaamaya dhallinyaro iyo waayeel samaynaya socod lug.

– Waa wax wacan in dibedda loo soo baxo, hawada urteeda la dareemo oo la dhegaysto aamusnaanta iyo dhawaaqa shimbiraha. Marka aan sidan oo kale u soo baxo waxaan ilaawaa dhibaatooyin badan. Waa sidiii in aan niyadda ka saaray oo kale.

–  Waxan u malaynayaa in cudurkan safmarka ah wax ka beddelay sidii ay dadku ugu xidhnaayeen dabeecadda dibedda. Halkee ayeynu aadi lahayn haddii aynaan iyada aadi karin? 

Foto: Arild Danielsen / Schibsted Partnerstudio

– Waxan aqaanaa ajnabi badan oo aan dabeecadda dibedda ee Norway weligood u isticmaalin sida ay u isticmaaleen sannadkii u dambeeyey. Dad badan ayaa runtii fahmay arrintan.




– Det er ikke bare bare å være i norsk natur. Man må ha kunnskap om vær, klær og forhold. Mange fra min generasjon og bakgrunn har oppdaget dette mer og mer, og det er en fin måte å treffe andre på. Det er positivt med pandemien. 

– Cid u sii kaxayso dibedda.

Noloshii caadiga ahayd ayaa culays badan ku yimi waqtiyadan dambe, hadda oo sannad ka soo wareegay markii ugu horraysay ee la xidhay masaajidka.

– Dad badan ayaa dhib qaba. Dadka inta ugu badan masaajidka  tebay ayaa la filayaa in ay yihiin waayeelka, si la mid ah dadka tebay kaniisadaha. Cibaadadu waa u muhiim dadka maraya da’daas.

Haddii aad garanayso cid dhibaataysan, ku casuum socod lug ah oo masaafo wacan la kala fogaanayo, ayuu soo jeediyey Djamel. Waana hab wacan oo xilligan la isaga ilaalin karo in dad badan lagula kulmo gudaha.

Foto: Arild Danielsen / Schibsted Partnerstudio

Waa muhiim in aad xasuusato haddii aad cid casuumayso:

️▪️Dadkoo dhan lama qabsan joogista dibedda. Waxa markaa wacnaan karta in qofka ugu khibradda badan qorsheeyo jidka la marayo. 

▪️ Qasab maaha in socodka dibeddu noqdo mid dheer oo adag.

▪️ Haddii barafka lagu siiban karo, ka feker isticmaalka biraha kabaha.

▪️ Dad tiro yar ahaada.

▪️Kala fogaada xataa marka dibedda joogtaan.

▪️Haddii qalab idin ka dhiman yahay, waxa jira degmooyin badan oo laga amaanaysan karo.


People in nature, Natural landscape, Flash photography, Smile, Outerwear, Plant, Vertebrate, Tree, Wood, Branch

Ramadaan ka duwan sidii hore

13-ka Abriil waxa bilaabmaya bisha muslimku soomo ee Ramadaanta, iyadoo markaa muslim badan iska dhaafayaan cuntada iyo cabitaanka laga bilaabo marka qorraxdu soo baxdo ilaa marka ay dhacdo.

Eidfeiringen ble også annerledes. Med hjelp fra mange frivillige ble det arrangert drive in-feiring på Tryvann i Oslo. Hundrevis av mennesker kjørte inn og deltok fra bilene sine. 

– Det var genialt. Og det viste hvordan vi kunne justere på tradisjonene ved å bruke fantasien. 

– Fjorårets ramadan var en av de beste jeg har hatt, selv om den var annerledes. Det er mange turer til moskeen gjennom ramadan, og det er mye man skal rekke. I fjor var vi hjemme sammen med den nærmeste familien. Det var koselig, og det ble mye mindre stress. 

Årets faste og feiring blir ikke som vanlig, akkurat slik som i fjor, da pandemien satte en stopper for mange av tradisjonene.

Fastemåneden avsluttes med Id al-fits, også kalt eid, som er forbundet med både moskebesøk og sosialisering med venner og familie. 



Bisha Ramadaanta kaddib waa Ciid al-Fitr, loona yaqaano Ciidda, oo la tago masaajidka isla markaana waqti lala qaato axsaabta iyo ehelka.

Foto: Schibsted Partnerstudio

Soonka iyo ciidda sannadkani ma noqonayaan sidii caadiga ahayd, sidii dhacday sannadkii horeba oo safmarku joojiyey qaybo badan oo ka mid ahaa cadooyinka.

Foto: Schibsted Partnerstudio

– Ramadaantii sannadkii hore waxay ahayd mid ka mid ah kuwa ugu wacan ee i soo maray. Xilliga ramadaanta marar badan ayaa la tegayaa masaajidka waxaana jira hawlo badan oo markasta u baahan in laga gaadhsiiyo. Sannadkii hore guriga ayuu qoysku wada joogay. Waxay ahayd wax wanaagsan, waxaana yaraaday istereska. Halkan waxa Djamel la joogaa xaaskiisa Signy.

Foto: Schibsted Partnerstudio

Xuskii ciidunu wuxu noqday si ka duwan sidii hore. Kaddib markii caawimo badan laga helay dad badan oo is-xilqaamay waxa Tryvann oo Oslo ku taalla lagu qabtay dabaaldeg ciiddeed oo drive-in ah. Boqollaal qof ayaa baabuurka ku soo galay oo ka qaybqaatay iyagoo ku jira baabuurka.

– Waxay ahayd fikrad aad u wacan. Waxay inna tustay sida waxa looga beddeli karo caddooyinka haddii laga fekero, ayuu yidhi Djamel.

Foto: Schibsted Partnerstudio

Hva er 5G?

- 5G er en teknologi for femte generasjons mobiltjenester, og er en etterfølger til 4G.

- Det nye nettet gir superrask oppkobling, god dekning, lav forsinkelse, svært høy hastighet og kapasitet, samt korte svartider.

- Kort responstid åpner opp en ny verden av muligheter når det gjelder VR (virituell virkelighet), AR (utvidet virkelighet) og sanntidstjenester, som vil være banebrytende innenfor alt fra underholdning til industri og e-helse.

- Telia var, i samarbeid med Ericsson, først ute i Europa med å teste 5G.
5G gjør det mulig å ha utallige enheter koblet til nettet, og vil dermed åpne dørene for potensialet som ligger i smart teknologi — i alt fra utstyr i hjemmet til biler, droner, roboter og sensorer.

- Det er i dag ikke mange telefoner som kan utnytte 5G, men der er på vei — blant annet er smarttelefonen OnePlus8 allerede tilgjengelig på det norske markedet.
Denne våren begynner Telia utrullingen av 5G-nettet i Norge — målet er at hele landet har 5G innen 2023.

Nysgjerrig på hva 5G vil bety for deg? Her kan du lære mer


Finn mobilabonnementet som passer for deg!

Til toppen

Produsert av Schibsted Partnerstudio for Helsedirektoratet

To the top

Produced by Schibsted Partnerstudio on behalf of the Norwegian Directorate of Health

Journalistene og redaksjonene i Schibsteds medier har ingen rolle i produksjonen og publiseringen av dette annonsørinnholdet.
Schibsted Partnerstudio
©2021 Schibsted | Personvernerklæring og informasjonskapsler (cookies)
The journalists and editors in the various Schibsted media brands have played no part in the production and publication of this content marketing.
Schibsted Partnerstudio
©2021 Schibsted | Privacy statement and cookies